Wakaaladda Filimada Soomaaliyeed oo abaalmarisay jilayaasha Taxanaha Dabin

0
73

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Wakaaladda Filimada Soomaaliyeed ayaa xalay abaalmarin guddoonsiisay jilayaasha Taxanaha Dabin, shirkadda Asal oo maalgelisay iyo App-ka Nasiye oo lagu soo bandhigay, maamulayaasha, jilaayaasha iyo shaqaalaha farsamada ee taxanaha, iyagoo lagu abaal mariyay laguna dhiirigaliyay tayadooda.

Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada XFS Marwo Khadiijo Maxamed Almakhzoumi ayaa bogaadisay hindisahan lagu soo bandhigaya aflaamta ka tarjumaya danaha bulshada, waxanaya fartay in lagu soo daro wacyi gelin ku saabsan ilaalinta deegaanka.

“Waxaa codsanaa in fanaaniinta ay Filimadda kusoo daraan wacyigalinta deegaanka, maadama ay dhibaato naga haysato ilaalinta deegaanka dalkeena.”

Mareeyaha Golaha Murtida iyo Wacyigalinta Abwaan Cusmaan Cabdullaahi Guure ayaa sheegay in muqdisho ay soo martay xaalado badan oo mugdi iyo murugo leh haatanna ay dhinaca kale isu rogtay, wuxuuna tusaale usoo qaatay Filimka ay soo bandhigeen dhallinyada Soomaaliyeed oo ka tarjumaya bilicda iyo soo kabashada dalka gaar ahaan goobaha dalxiiska oo ay ka mid tahay quruxda xeebteenna.

“Filimkan ay dhallinyada soo bandhigeen waxaa ka muuqda quruxda magaalada Muqdisho, bilicda Xeebteena dhallinyadana aad ayaan ugu mahad celinayaa .”

Agaasimaha Wakaalada Filimadda Soomaaliyeed Cali Cabdulqaadir Cali “Maykal” ayaa sheegay in Wakaaladdu ay diyaar u tahay in ay dhiirrigeliso Shirkadaha filimada, ayna qayb ka noqdaan ilaalinta dhaqankeenna suubban.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here