Ian Wright Oo Sheegay Hal Walaac Oo Uu Ka Qabo Bukayo Saka

0
25

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Halyeeyga Arsenal Ian Wright ayaa amaan ugu qubeeyay Bukayo Saka ka dib markii uu si cajiib ah ku bilowday xilli ciyaareedkan laakiin waxa uu qirtay inuu ka walwalsan yahay kulamada badan ee uu ciyaarayo.

Saka ayaa qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay xilli ciyaareedkan isaga oo dhaliyay 2 gool 7 kalena caawiye ka noqday premier League.

Kadib markii uu laba gool caawiyay kulankii Southampton Saka ayaa ah xiddiga ugu caawinta badan 5-ta horyaal ee ugu waaweyn qaarada yurub.

Xiddigii hore ee Arsenal Wright ayaa la dhacsan qaab ciyaareedka Saka waxana uu ku tilmaamay in uu yahay xiddiga ugu fiican Arsenal.

Laakiin Wright ayaa ka walaacsan kulamada badan ee uu Saka ciyaarayo iyada oo kooxda kulamo badan ku soo socdaan.

“Si joogto ah ayaa loo barbar dhigaa ciyaartoy kala duwan iyo waxa ay sameynayaan, laakiin joogtayntiisa tan iyo markii uu kooxda ku jiray ayaa ahaa mid cajiib ah,” Wright ayaa sidaa ku sheegay Optus Sport.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here