Wasiirka Arrimaha Dibada XFS oo soo xiray tababarka Safiirada cusub iyo saraakiisha diblomaasiyadeed

0
28

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Danjire Axmed Macallin Fiqi wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah oo uu wehliyo wasiiru dowlaha wasaaradda Cali Balcad ayaa maanta si rasmi ah u soo gabagabeeyay tababarka diblomaasiyadda ee loogu talagalay safiirada cusub iyo saraakiisha diblomaasiyadeed. Barnaamijkan, oo ay ka qeyb galeen 12 safiir iyo 21 sarkaal oo diblomaasiyadeed, ayaa lagu soo gabagabeeyay bixinta Shahaadooyinka Tababarka Hab Maamuuska iyo diblomaasiyadda. Munaasabaddan waxaa marti sharaf ku ahaa senataro iyo xubno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka, taas oo muujisay muhiimadda xafladdan.

Danjire Fiqi ayaa ammaanay dadaalka mugga leh ee uu sameeyay machadka tababarada iyo diblomaasiyadda ee wasaaradda, iyaga oo soo saaray hoggaamiyayaal diblomaasiyadeed oo cusub. Wuxuu adkeeyay doorka muhiimka ah ee ay safiirada iyo saraakiisha cusub ka qaadan doonaan kor u qaadista xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya ee caalamka.

Danjire Fiqi ayaa kalsooni ku muujiyay in ka-qaybgalayaasha tababarku ay ilaalin doonaan heerarka ugu sarreeya ee xirfadda oo ay Soomaaliya si sharaf leh ugu matali doonaan masraxyada caalamiga ah. Wasiiru Dowlaha Cali Cumar ayaa sidoo kale bogaadiyay dadaalka ay muujiyeen ka qaybgalayaashu sida ay uga go’an tahay inay sare u qaadaan xirfadahooda diblomaasiyadeed.

Danjire Cabdulqaadir Aamin, Agaasimaha Machadka diblomaasiyadda, ayaa tilmaamay in tababarku uu daboolay meelo muhiim ah sida diblomaasiyadda, juqraafi-siyaasadeedka, iyo aragtida siyaasadda iyo sida loogu dabaqo xaaladaha caalamiga ah. Barnaamijkan wuxuu kaloo ka koobnaa maadooyin gaar ah oo ku saabsan farsamooyinka wadaxaajoodka iyo maaraynta dhibaatooyinka. Danjire Aamin ayaa carrabka ku adkeeyay in aqoonta iyo xirfadaha ay ka heleen barnaamijkan ay si weyn u kordhin doonaan waxtarka ka-qaybgalayaasha ee doorkooda diblomaasiyadeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here