Cole Palmer Oo Ku Sii Dhawaanaya Rikoodh Uu Mohamed Salah Ka Dhigay Premier League

0
40

Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Weeraryahanka Chelsea Cole Palmer ayaa ku sii dhawaanaya rikoorka Premier League ka dib markii uu dhaliyay afar gool qeybtii hore ee kulankii Blues ay la ciyaareen Brighton.

Palmer ayaa wax muuqda u ahaa Blues tan iyo markii ay 47 milyan oo euro kaga soo iibsadeen Manchester City xagaagii hore.

Xiddiga ayaa goolasha si fudud ugu dhalinaya kooxda chelsea gaar ahaan rikoodhayaasha isaga oo dhaliyay rikoodhadii 10-aad ee loo dhigay intii uu joogay kooxda chelsea.

Palmer ayaan wali ku fashilmin ama khasaarin rikoodhe premier League tan ilaa markii uu joogay chelsea waxana uu ku sii dhawaanayaa rikoodh uu dhigay Mohamed Salah.

Xiddiga reer Masar ayaa Liverpool premier League u dhaliyay 15 rikoodhe oo xidhiidh ah isaga oo 4 sano ku qaatay rikoodhkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here