Wasaaradaha Beeraha iyo Waraabka Xukuumadda Federaalka iyo Jubbaland oo Tababar u Furay Iskaashatooyinka Beeraleyda Jubbada Hoos

0
433

Kismaayo(Idaacada Waamo)Wasaaradaha beeraha iyo waraabka xukuumada federalka Soomaaliya iyo Jubbaland ayaa waxaa si wada jir ah tababar ku saabsan tayeynta wax soosaarka beeraha iyo kaydinta dalaga beeraha u furay iskaashatada beeralayda gobolka Jubbada Hoose.

Tabarkan oo socon doono mudo afar maalmood ah waxaa furitaankiisa ka soo qayb galay wasiir ku xigeenka wasaarada beeraha iyo waraabka Jubbaland Mahad Muxuyadiin Maxamed iyo Agaasimaha wax-soosarka wasaarada beeraha dalka Maxamed Muse Aadan.

Musuuliyiinta ayaa iskaashatooyinka beeraha kula dardaarmay in ay ka faa’iidaystaan tababarka iyaga oo sidoo kale xusay in dowladu ay dadaal ugu jirto horumarinta beeraha maadaama ay kamid yihiin ilaha u muhiimsan ee dhaqaale ee dalka.

Agaasimaha wax-soosarka wasaarada beeraha dalka Maxamed Muse Aadan ayaa ku taliyay in si wadajir ah looga wada qayb qaato tayeynta wax-soosaarka dalagga beeraha dalka.

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda beeraha iyo waraabka Jubbaland Mahad Muxuyadiin Maxamed oo gaba-gabadii warbaahinta lahadlay ayaa isagu dhiniciisa iskaashatooyinkii tababarkan kasoo qayb galay u mahad celiya.

R/W,Cabdiraxiin Deeq Muuse.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here