RASMI: Liverpool Oo Ku Dhawaaqday In Ay Dhamaystirtay Saxiixa Takumi Minamino

0
425

Kismaayo(Idaacada Waamo)Kooxda Reer England ee Liverpool ayaa Ku Dhawaaqday in ay Dhamaystirtay Saxiixa Xiddiga Kooxda RB Salzburg ee Minamino Kaas oo Noqday Saxiixii ugu Horeeyay ee Suuqa January ee Kooxda Liverpool.

Xiddiga Udhashay Japan ayaa Si Rasmi ah ugu Biiri Doona Kooxda Liverpool 1 Bisha January 2020 Kadib Markii uu Shalay Si Rasmi ah ugu Baasay Tijaabada Caafimaadka ee Kooxda Livepool.

Takumi Minamino ayaa Ka Hadlay Ku Biiristiisa Liverpool ayaa yidhi”Waxa ay ii ahayd Riyo in aan Ku Biiro Kooxda Liverpool Waana Ku Faraxsanahay in ay Run Noqotay Riyadaydii”.

Takumi Minamino ayaa Kooxda Liverpool u Xiran Doona Lambarka No.18 Kaas oo ah isla Lambarkii uu u Xiran Jirey Kooxdiisii Hore ee Salzburg Markii uu Joogay iyada oo uu Xidiga Ka Hayaamayo Sanadka Cusub ee 2020.Image

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here