Kooxda AS Roma oo ku Dhawaaqday badalka tababare De Rossi.

0
20

Kismaayo-(Idaacadda Waamo)- Kooxda Roma ee wadanka Talyaaniga ayaa ku dhawaaqday in tababare Ivan Juric ay u magacawday macalinkeeda cusub kadib markii si lama filaan ah shaqada looga ceyriyay tababare Daniele De Rossi.

Kadib markii uu ku guuldareystay inuu ku hogaamiyo Giallorossi guul 4-tii kulan ee ugu horeeyay ee xilli ciyaareedka Serie A-da De Rossi ayaa shaqada laga ceyriyay Arbacadii, kaliya sideed bilood oo uu kooxda soo hogaamiyey kadib ceyrintii tababare Jose Mourinho.

Si kastaba ha ahaatee, wadahadalada Juric ayaa si xawli ah u socday markii De Rossi lagu amray inuu ka tago kooxda waxaana ay kooxdu haatan xaqiijisay imaatinka tababaraha badalkiisa ah ee Ivan Juric.

Juric ayaa kooxda reer Talyaani ee AS Roma qalinka ugu duugay heshiis ilaa dhamaadka xilli ciyaareedkan, inkasta oo lagu soo waramayo in heshiiskiisa la kordhin karo ilaa 2026 hadii uu ku hogaamiyo Roma xilli ciyaareedka dambe Champions League.

Juric ayaa shaqo la’aan ahaa tan iyo markii uu ka tagay kooxda Torino dhamaadkii xilli ciyaareedkii tagey ee 2023-24, isagoo soo xiray seddex sano oo uu macalin u ahaa kooxda Turin ka dib markii uu ku hogaamiyay 3 xilli ciyaareed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here