Guddoomiyaha hay’adda maareynta musiibooyinka oo la kulmay madax ka tirsan WFP

0
24

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Guddoomiyaha hay’adda maareynta musiibooyinka Maxamuud Macallin Cabdulle oo uu wehliyo guddoomiye ku xigeenka hay’adda Dr. Axmed Cabdi Aadan ayaa maanta xarunta dhexe ee hay’adda kulan kula qaatay madaxa xafiiska Soomaaliya ee hay’adda cuntada Adduunka (WFP) Mr Elkhadir Daloum.

Kulanka ayaa looga hadlay sii adkeynta xiriirka istiraatiijiga ah ee ka dhaxeeya labada hay’adood, horumarinta nidaamyada, u diyaar garoowga iyo ka hartagga khasaare xooggan oo ka dhasha abaaraha laga baqayo ee la-Nina.

Ugu danbeyn, guddoomiyaha hay’adda SoDMA ayaa bogaadiyay xiriirka dhow ee qotada dheer ee ka dhexeeya labada hay’addood ee SoDMA iyo WFP.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here