Xiddiga Jadon Sancho oo doortay kooxda uu ku biirayo

0
31

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Xiddiga kooxda Man United ee Jadon Sancho ayaa qarka u saaran in uu isaga tago kooxda suuqa kala iibsiga xagaagan, kadib isku dhacyo badan isaga iyo tababaraha Kooxda.

Jadon Sancho ayaa lala xiriirinayaa midkood inuu ku biiro kooxaha Chelsea iyo juventus kuwaas oo doonaya saxiixiisa inta uuna xirmin suuqa kala iibsiga xagaagan.

Si kasta ha ahaatee sida laga soo xigtay Wargeysta The Guardian Xiddiga Sancho ayaa doortay kooxda uu ku biirayo kooxda Chelsea, halkii uu ku biiri lahaa kooxda Juventus.

Xiddiga reer England Jadon Sancho ayaa doonaya in uu sii joogo horyaalka Premier League halkii uu ku biiri lahaa horyaalka Talyaaniga ee Serie A.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here