Xulka Somalia Oo Xulka Eritrea La Ciyaaray Kulankoodii Ugu Dambeeyay Ee Wareega Group-yada, 

0
393

Kismaayo(Idaacada Waamo) Xulka Somalia ayaa Bar-baro La Galay Xulka Eritrea Kulankii 4-aad ee Tartanka Tartanka Bariga iyo Bartamaha Afrika ee Cecafa Senior Challenge Cup ee oo Ka Socda Dalka Uganda.

Kulanka ayaa ahaa Mid Xiiso Badan oo ay Labada Xulba Soo Bandhigeen Qaab Ciyaareed Fiican oo Dhan Walba isaga Dheeli Tiran Hadii ay Tahay Dhanka Weerarka iyo Dhanka Daafaca.

Goolhayaha Xulka Somalia ayaa dhawr Badbaadino Sameeyey isaga oo Xulkiisa Ku Hayay Ciyaarta Sidoo Kale Xulka Somalia Sidoo Kale Heleen Fursado Cajiib ah.

Ugu Dambayn Kulanka ayaa Kusoo Dhamaaday Bar-baro Bilaa Gool ah Waxana uu Xulka Eritrea Xaqiiqsaday Kaalinta 2-aad ee Group-ka iyadoo Xulka Somalia Wali ay Heystaan Fursado ay Kusoo Bixi Karaan.

Hadii uu Xulka Djibouti Guuldaro Kala Kulmo Xulka Uganda Xulka Somalia Waxay La Ciyaari Doonaan Kulanka Kala Baxa ah Si ay Wareega Xiga ugu Gudbaan.

Image may contain: 16 people, people standing and outdoor

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here