Maamulka Degmada Kismaayo oo digniin u diray Kareetooyinka qashinka qaado

0
44

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Maamulka Dowladda Hoose ee Degmada Kismaayo ayaa horay waxay Amar uga soo saartay Sidii loo ilaalin lahaa bilicda magaalada, maadaama Kismaayo ay ka socdaan dhismaha wadooyin lami ah kuwaas oo qeb weyn ka qaatay hormarka iyo bilicda magaalada.

Maamulka Degmada Kismaayo oo ka duulaya ilaalinta Nadaafadda magaalada ayaa bulshada iyo dadka wata gaari Dameerada qashinkana kaga qaada Xaafadaha uga digay iney ka digtoonaadaan in qashinka la geeya goobaha bilicda magaalada ah sida xeebaha Wadooyinka iyo biya mareenada.

Mowliid Abdi Kulmiye ayaa warbixintaan inooga diyaariyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here