Soomaaliya oo Hay’adda UNESCO u gudbisay meelo ka mid ah goobaha taariikhiga ah ee dalka

0
30

Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Madxafka Qaranka waa goob ilaalisa taariikhda iyo sooyaalka ummadi ay leedahay. Madxafka Qaranka oo la aas-aasay 1987-dii ayaa ka mid ahaa hay’adihii uu saameeyay dagaalkii sokeeye ee dalka ka dhacay.

2020-kii, ayaa dib loo soo nooleeyay, waxaanna shaqadii ugu horeysay ee maamulka Madxafka qabteen ay ahayd in ay hay’adda cilmiga iyo dhaqanka ee Qaramada Midoobay ee UNESCO gudbiyaan goobo muhiim u ah taariikhda iyo dhaqanka.

Agaasimaha Madxafka Qaranka Aweys Geeddow Caamir ayaa sharxaya goobaha caanka ay ee dhawaan u gudbiyeen hay’adda UNESCO.

” Madxafka wuxuu isku dayay maaddaama isaga uu mas’uul ka yahay kala geddisnaanta xoolaha inuu diiwaangeliyo, waxaan sheegnay in labo meel oo ka mid ah Soomaaliya maanta ay u baahan tahay in si deg deg ah wax looga qabto,kan koowaad waxaa ka mid ah dhulka la yiraahdo Hobyo grass-land, ama dhulka cowska badan ama geedo gaabka ah ee ee Hobyo ku yaalo. sababta waxaa waaye qatar badan ayaa ku soo socoto, kuwana waxaa waaye xaalufinaa ku socoto, labo waxaa waaye bacaadkii Badda ayaa ku soo sikanaay, saddex waxaa ku soo sikanaayo geedka la yiraahdo Cali Garoobka isagana dhulkii geedaha beddelayo, sababta loo leeyahay Hobyana waxay tahay dhulkaas waxaa ku jira geedo Soomaaliya kaliya laga helo oo meelo kale laga helin, waxaa la qiyaasayaa kun geed in ay meesha ku jirto,laakiin labo boqol oo ka mid ah in ay u tahay gooni gobolka gobolkaas,”.

Soomaaliya waxay saxiixday heshiiska la yiraahdo CBD, ( Conservation for Bio-diversity), heshiiskan ayaa ku qotoma in ay Soomaaliya ilaashato wixii kheyraad ah ee ay kaga duwan tahay dalalka kale ama gaar u tahay iyo meelaha dadka ay jecel yihiin in ay u dalxiis tagaan.

Agaasime Aweys Geeddow Caamir, ayaa ku sheegay sababta ay goobahan gaarka ah ee taariikhda u leh Soomaaliya ugu gudbiyeen hay’adda UNESCO in ay tahay goobo ay ku jiraan geedo kala duwan, cayayaano fara badan iyo nooleyaal kale oo ka mid ah  xambaaratada, sidoo kale, wuxuu carabka ku dhuftay in ay jiraan deegaanno kale oo sidan oo kale, muhiim ugu ah taariikhda iyo dhaqanka dalka loona dalxiisi jiray, waxaana ka mid ah aaggaga Badhaadhe iyo Kulbiyow, halkaas oo ay caan ku ahayd Maroodiga iyo Geri iyo meesha kaliya ee noocyada kala duwan ee xayawaanada laga heli jiray, waxaanna la aas-aasay 1952.

Hay’adda Cilmiga iyo Dhaqanka ee Qaramada Midoobay (UNESCO), ayaa ogolaatay goobahaas taariikhiga ee Madxafka Qaranka uu u gudbiyay, waxayna noqdeen meelaha adduunyada ugu wanaagsan ee la rabo in la badbaadiyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here