Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Maalgashiga iyo Iskaashiga Caalamiga ee Dowlad Gobaleedka Jubbaland Abdirahmaan Abdi Ahmed ayaa xarunta Wasaaradda kulan kula qaatay wafti ka socday Hay’adda Qaramada Midoobe u qaabilsan cunada iyo beeraha ee FAO
Inta uu kulanku socday ayaa waxaa diirada lagu saaray Mashaariicda hormarineed ee ay Hay’ada FAO kawado deegaanada Jubbaland sidoo kale kulanka waxaa looga hadlay dardar galinta mashaariicda xalka waara oo ay qayb muhiima ka qaadato Hay’adda FAO.
Juweeriya Xasan Axmed ayaa warbixintaan inooga diyaarisay.