Deegaanada dhaca waqooyiga Kismaayo oo Biyo gelin laga sameeyay

0
65

Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Wasaaradda Macdanta iyo Biyaha dowlad goboledka Jubbland ayaa wada qorshayaal lagu dayac tirayo ceelasha biyaha ee ku yaala deegaanada waqooyiga Kismaayo ku waas oo uu bur bur ka soo gaaray fatahaada wabiga Jubba iyo daadadkii Elnino ee dalka ku dhuftay sanadkii la soo dhaafay.

Dhanka kale Wasaaradda ayaa biyo galin ka samaaysay deegaanada Luglow,Istanbuul, Qaam-Qaam iyo Buulo- bartile sida uu sheegay Agaasimaha waaxda Biyaha ee Wasaaradda Macdanta iyo biyaha Jubbland Libaan Mowliid Xuseen oo ka warbixiyay waxaa ay Wasaaraddu ka qabatay hormarinta adeega bulshada gaar ahaan dhanka biyaha.

Awke Ali Awil ayaa warbixintaan inooga diyaariyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here