Liverpool Oo Diiday Dalab Laga Soo Gudbiyay Saxiixa Wataru Endo

0
50

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Kooxda Liverpool ayaa lagu soo waramayaa in ay diiday dalab u yimid kooxda Marseille iyadoo ay doonayaan xiddiga khadka dhexe ee Wataru Endo sida ay sheegayaan wararku.

Wargayska The Athletic ayaa sheegaya in ay kooxda Liverpool diiday dalab 15 milyan ah oo ay kooxda Marseille ku doonaysay saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Wataru Endo, Iyadoo Kooxda Liverpool ay aaminsan tahay in uu xiddigoodu ka qaalisan yahay qiimaha ay soo gudbisay kooxda Marseille.

Isla wargayska ayaa sheegaya in Liverpool ay diyaar u tahay inay iska iibiso xiddiga Watru Endo inta lagu jiro suuqa kala iibsiga ee xagaagan, Laakiin Liverpool ayaa kaliya go’aankaasi qaadan doonta hadii ay hesho dalab lagu qanci karo oo u qalma awooda xiddiga khadka dhexe ee Wataru Endo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here