Arsenal Iyo Man united Oo Kala Badiyay Kulan Kaliya

0
59

Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Kooxaha Arsenal iyo Man united ayaa laba guul kala gaadhay Kulan Kaliya.

Labada kooxood ayaa ku kulmay Dalka Maraykanka Kulan saaxiibtinimo oo Ka mid ah isku diyaarinta labada kooxood ee xilli ciyaareedka cusub.

Man united ayaa ku Hor martay goolka furitaanka waxana u dhaliyay xiddiga Rasmus Hojlund kaas oo dhaliyay goolka daqiiqadii 10-aad.

Atsenal ayaa dhalisay goolka bar-baraha daqiiqadii 26-aad waxana u dhaliyay Gabriel Jesus kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/1.

Kooxda Arsenal ayaa daqiiqadii 81-aa dhalisay goolka 2-aad waxana u dhaliyay xiddiga Gabriel Martinelli.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Arsenal badisay 90-kii daqiiqo ee caadiga ayaa.

Laakiin labada kooxood ayaa Isla aaday rikoodhayaal waxana ay guushu raacday Man united.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here