Kismaayo(Idaacada Waamo)Waxaa Mudooyinkii udan beeyay Magaalada dhoobley Ee Gobolka Jubbada Hoose kajiratay xaalad Godoon ah Kadib markii Roobab is daba joog ah oo xiray wadooyinka waa wayn muhiim u ah Magaalada ay halkaasi ka de een .
Waxaana sara ukac ku yimid qiimaha miciishada lagu kala iib sado madaama aysan jiran wax Muciishad ah oo watigaan Magaalada soo gala taas oo saamayn balaaran ku yelatay dadka Halkaasi ku nool .
Gudoomiyaha Magaalada dhoobley Siyaad Maxamed Xassan ayaa sheegay in dadka ku nool dhoobley ay ku jiraan xaalad adag oo ubaahan in si dag dag ah wax looga qabto.
Waxaa jira qasaare hantiyeed oo ka dhashay roobabka halkaasi ka da ay iyo dad badan Oo ka barakacay guryohodii Si uu Gudoomiyuhu Sheegay.
R/W,Xamdi Maxamed Yaasiin.