Puntland oo xukun ku riday Dhalinyaro loo heysto Burcadnimo

0
305

Kismaayo(Idaacada Waamo)Maxkamadda Darajada 1aad ee Gobolka Bari ayaa  waxaa ay xukun ku riday dhalinyaro lagu eedeeyey inay dhacayeen Mobelada,kuwaas oo lagu soo qabtay howlgal laga sameeyey Boosaaso.
Dhalinyaradaan oo tiradooda gaareyso Afar ayaa waxaa Maxkamada ku wareejiyey taliska Ciidanka Booliska Gobolka Bari Puntland oo sameeyey howlgalka lagu soo qabtay,isla markaana Maxkamadda ay ku xukuntay dhowr sano oo Xabsi ah.
Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa uga digey dhalinyarada Boosaaso ka wada dhaca Mobeelada,isaga oo Waalidiinta ugu baaqay inay la socdaan dhibaatada ay Carruurtooda ay ka wadaan Gudaha Magaalada Boosaaso.
Dhinaca kale Taliska Booliska Gobolka Bari ayaa meel fagarao ah waxaa ay ku burburiyeen dhalooyin Khamri ah oo Ciidamadu ay horay uga qabteen Ciidamada Koontoroolka Magaalada Boosaaso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here