Kooxda Real Madrid oo xiiseeneyso William Saliba

0
91

Kismaayo(Idaacadda Waamo)- Wargayska Mundo Deportivo ayaa sheegeysa in kooxda reer Spain Real Madrid ay dooneyso inay keento garoonkeedka daafaca William Saliba ayaa loo maleynayaa inuu xiiso ka helayo madaxda Kooxda.

Dhinaca kale wargayska Givemesport ayaa sheegaya in ay Arsenal ka walaacsan tahay in aanu xiddigu sii joogi doonin kooxda muddo dheer.

Kooxda ayaa aad u doonaysa in ay sii haysato xiddiga laakiin taas ayaa is badali karta hadii maskaxda xiddigu is rogto.

Real Madrid ayaa doonaysa Xiddig ka ciyaara daafaca dhexe kadib markii ay Man united ku garaacday Saxiixa Leny Toro.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here