Xulka Argentina oo ku Guulaystay Copa America.

0
47

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Xulka qaranka Argentina ayaa ku guulaystay koobka Copa America 2024, waxayna 1-0 kaga qaadeen Xulka Colombia kulankii final ka tartankasi.

Kulanka ayaa ahaa mid adag oo ay labada xul Isla dhibaatoodeen, Xul walba waxa ka go’nayd in uu ku guulaysto Copa America, Labada xul ayaa ku kala baxay bar-baro gool la’aan ah 90-kii daqiiqo ee ciyaarta.

Xita labada xul ayaa kala bixi waayay qaybtii hore ee wakhtigii dheeriga ahaa, Laakiin xiddiga Martinez ayaa daqiiqadiii 112-aad dhaliyay goolka 1-aad ee ciyaarta waxana uu hogaanka u dhiibay xulkiisa Argentina.

Waxa sidaas kusoo dhamaatay ciyaarta la isku daalay oo xulka Argentina ku guulaystay Copa America.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here