Kulan loogu mahad celinayay Dhalinyaradii   ka qaayb qaatay  Gurmadka Fatahada Baladwayne Oo Magaalada kismaayo lagu qabtay.

0
349

Kiksmaayo(Idaacada Waamo)Gudiigii loo xilsaaray Gurmadka Fatahatihii kadhacay  Magaalada baladwayne Ayaa dib ugu Soo laabtay Magaalada Kismaayo Ka dib markii Deeqdii ay aruuriyan ay gaarsiyeen dadkii logu Tala galay  Ee fatahaddu saameyen .

Xarunta Madasha Akhriska iyo qoraalka ee maankulan ayaa lagu qabtay  kulan logu mahad celinayay Dadkii ka qaayb qaatay howsha gurmadka oo ay ugu horeyaan Dhalinyarada iyo Culimada .
Xoghayaha gurmarka fatahaddaha jubbaland Ugaas Maxamed Ugaas Xassan Siraad ayaa ka warbixiyay  Safarkii gurmadka Ee  ay baladwayne Kutageen iyo waxyabihi ay lasoo kulmeen.
Dhinaca kale Gudoomiyaha Golaha Dhalinyarada Dagmada Kismaayo  Abadir Cabdiraxmaan iyo Sheikh Siciid  Axmad Xussen  Gudoomiyha Gurmadka fatahaddaha Jubbaland  ayaa  dhankooda Dhalinyarada  iyo culimada uga mahad Celiyay Shaqada wanaagsan ee ay qabteen.R/W,Xamdi Maxamed Yaasiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here