Caalamka oo u dabaaldegaya xuska maalinta Qaxootiga Dunida ee 20-ka June

0
31

Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Dalalka caalamka ee hoostaga daladda Qaramada Midoobay ayaa maanta u dabbaaldegaya xuska sanadguurada 73-aad ee ka soo wareegatay aasaaskii munaasabadda maalinta Qaxootiga Dunida oo ku began 20-ka June .

Si kor loogu qaado wacyiga ku saabsan xaaladda ay ku sugan yihiin qaxootiga dunida oo dhan Qaramada Midoobay waxa ay sanad kasta qabataa munaasabado lagu weyneynayo maalinta Qaxootiga,iyadoo dalalka caalamka lagu baraarujiyo wax ka qabashada dadka ku barakacaya gudaha iyo xal u helidda kuwa magangalyo doonka ah ama tahriibaya.

Warbixin ay soo saartay Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in qiyaastii 120 milyan oo qof ama 1.5 boqolkiiba dadka adduunka ay yihiin kuwo laga soo barakiciyay guryahooda,iyadoo la eegayo duruufo badan oo ay ku jiraan dagalada sokeeye iyo raadinta nolol wanaagsan.

Sannadkii 1951-kii waa markii ugu horeysay ee Qaramada Midoobay ay dejisay Heshiiska Qaxootiga dunida si loo ilaaliyo xuquuqda dad gaaraya 2.1 milyan ,kuwaas oo ahaa qaxooti ka soo jeeday Yurub wixii ka dambeeyay dagaalkii labaad ee Adduunka.

Sannadkii 1980kii, tirada qaxootiga ee ay diiwaan geliyeen Qaramada Midoobay ayaa kor u dhaaftay 10 milyan markii ugu horreysay,halka 1990kii ay tiradaasi gaartay 20 milyan marka loo eego dagaalladii ka dhacay Afgaanistaan ​​iyo Itoobiya.

Si kastaba ha ahaatee, duulaankii Maraykanka ee Afgaanistaan ​​​​2001 iyo Ciraaq 2003 oo ay weheliyaan dagaallo sokeeye ee Koonfurta Suudaan iyo Suuriya ayaa sababay in tiro qaxooti ah ay kor u dhaafto 30 milyan dhammaadka 2021.

Dagaalka Ukraine ee billowday 2022, ayaa horseeday mid ka mid ah dhibaatooyinka qaxoontiga ee sida xawliga ah u kordhaya tan iyo Dagaalkii Labaad ee Adduunka iyadoo 5.7 milyan oo qof lagu qasbay inay ka qaxaan Ukraine wax ka yar hal sano..

Sannadkii 2023, iskahorimaadka Suudaan ee u dhexeeya labada hoggaan ee mileteriga ah ayaa tirada qaxootiga gaarsiiyay 1.5 milyan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here