Warbixin:Maalinta Caalamiga ah ee Deeq bixinta Dhiigga oo Caalamka laga xusayo

0
20

Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Maalintan caalamiga ah ee deeq bixinta dhiiga waxaa la xusaa 14 ka bisha June sanad walbo. Markii ugu horeesay dhacdada maalintan lagu xusaayo waxaa la qabtay sanadii 2004 ayadoo ay soo agaasimeen afar hay’adood oo caalami ah kuwaas oo kala ah hay’ada caafimaadka aduunka, bisha cas, ururada caalamiga ah ee dhiig bixinta iyo hay’ada caalamiga ah ee dhiig shubista.

Balse maalin caalami ah sanadii 2005 waxaa u qoonsatay hay’ada caafimaadka aduunka in la qabto 14 ka June sanad walbo, ujeedka maalintan loo xuso waxay tahay in wacyi galin ahaan sare loo qaado sidii dhiig loo keydin lahaa looguna mahad celiyo dadka dhiiga bixiyaan kuwaas oo nolol bad baadiyaan xili walbo.

Sanadkan hal ku dhiga maalintan caalamiga ah waxay tahay “Bixi dhiig, bixi dheecaan si aan nolol u wadaagno” waxaana looga gol leeyahay marwalbo bad baadinta bukaanada dhiiga u baahan ayadoo la bixinaayo dhiig deeq ah ama wax lacag lagu qaadaneyn.

Dalkeena nidaamka deeq bixinta dhiiga ama keydinta dhiiga waa mid aan hormarsaneyn sidoo kalena shacabka siweyn uguma baraarugsano bixinta dhiiga in nolol lagu bad baadin karo, sidaa daraadeed waxaa loo baahan yahay wacyi galin guud in bulshada qeybaheeda kala duwan la siiyo si looga qayb qaato hormarinta iyo helista dhiig ku filan goobaha caafimaad in laga heli karo ayadoo si lacag la’aan ah loo shubaayo dhiiga.

Abdinoor Samriye ayaa warbixintaan inooga diyaariyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here