Maamulka Shirkada Biyaha Caafi oo ka hadlay hakad ku yimid biyihii ay siin jireen Bulshada Kismaay

0
440

Kismaayo(Idaacada Waamo)Dadka  kunool Magaalada Kismaayo Waxaa mararka qaar soo wajaha  biyo yari  Saamayn kuyeelatay Bulshada .

Bushada kunool Magaalada Kismaayo ayaa siyaabo kala duwan uhela Biyaha  sida Ceelasha Cadi ah iyo kuwa lagu qodo Riigaga loona farsameeyo si casri ah  .

Waxaa Magaalada ka howl gala ilaa dhowr shirkadood oo biyo galin sameeya walow wali ayna Dhamays Tirin Baahiyaha dhanka biyaha ah .

Shirkada Biyaha Caafi  oo kamid ah shirkada soo saara biyaha sifaysan looguna isticmaalka Badanyahay Magaaladan Kismaayo  Ayaa maalmihii Udanbeeyay Waxaa ku ku timid Cilad Farsamo oo hakad galisay adeegii biyha Ee ay shirkadu bixin jirtay.

Bishaar Macalin Xuseen Oo kamid ah maamulka shirkada Caafi ayaa  Kawar bixiyay sababaha biyha hakadka galiyay .

Dhanka kale  Awaays Shiekh Maxamed oo kamid ah Injineerada shirkada  ayaa dhiniciisa Sheegay in ay Keneen Qalab kamaqnaa Shirkada ayna ku Guda Jiraan Sidii ay ku xalin Lahayeen Cilada jirta .

Waxaa jira dadaalo kala duwan oo lagu doonayo in lagu soo af jaro biya yarida soo laalabatay Ee Kajirta Magaalada kismaayo taas oo ay wadaan Wasaaradda Biyaha Jubbaland iyo Shirkdaha Biyaha ee ka howlgala  Magaalada.

R/W,Xamdi Maxamed Yaasiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here