Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya oo la kulmay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Norway

0
28

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galay kulan ay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Norway ku soo taageerayaan wax qabadka dowladda iyo qorshaha cirib-tirka khawaarijta.

Madaxweynaha oo munaasabadda mahadcelinta iyo soo dhoweynta ah ka hadlay ayaa la wadaagay guulaha laga soo hooyay xasilinta dalka, dowlad-dhiska iyo horumarinta kaabayaasha nolosha.

Mudane Xasan Sheekh ayaa sheegay in dowladda Norway ay Soomaaliya soo garab qabatay xilii xasaasi ah, wuxuuna xusay in ay gacan weyn ka geysatay arrinta deyn cafinta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here