Wasiirka isgaarsiinta oo ka qaybgalay shirka iskuxirka dhijitaalka ee Bariga Afrika

0
33

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Wasiirka wasaaradda Isgaarsiinta dowladda FS mudane Maxamed Aaden Macalin Cali (Soomaali) iyo Madaxa Bangiga Adduunka ee Soomaaliya Kristina Svensson ayaa si wadair ah magaalada Nairobi ugu furay shirka xoojinta Mashruuca iskuxirka dhijitaalka ee Bariga Afrika.

Ujeedka Shirkaan oo ah in gobolka Bariga Afrika yeesho xiriir iskaashi oo ku saabsan dhanka isku-xirka isgaarsiinta,horumarint ganacsiga, la-xaalidda masiibooyinka deegaanka iyo isdhexgalka dhaqaalaha.

Wasiirka Isgaarsiinta Xildhibaan Maxamed Soomaali ayaa sharxay yoolalka iyo Muhiimadda uu leeyahay mashruucaan, Maadaama uu kaalin ka qaadan doonaa isdhexgalka xiriirka ganacsiga, xogta isku gudubka xuduudaha iyo Iskuxirka Internetka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here