Saliba Oo Digniin U Diray Man City Ka Hor Bilaabashada Xilli Ciyaareedka Cusub

0
55

Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Daafaca kooxda Arsenal ee Wiliam Saliba ayaa naftiisa u arka 3-da daafac ee ugu fiican horyaalka premier League.

Isaga oo la hadlaya wargayska L’Equipe ayuu Saliba yidhi”Waxa aan qabaa in aan ka mid ahay 3-da daafac ee ugu fiican horyaalka premier League”.

“Waxa aan ku dhamaysanay daafaca ugu fiican, xilli ciyaareedkii dhamaaday waxa aan ka mid ahaa 3-da daafac ee ugu fiican”ayuu sii raaciyay.

Daafaca Arsenal ee Saliba ayaa digniin u diray Man City ka hor bilaabashada xilli ciyaareedka cusub.

“Xilli ciyaareedkii dhamaaday waxa aan shabaqeena ilaashanay 18 sano waxana aan ku dhawaanay horyaalka”.

“Xilli ciyaareedka cusub waxa aan Man City la gali doonaa dagaal ka fiican midkii hore”ayuu sii raaciyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here