Madaxweynaha Jubbaland oo xarigga ka jaray Isbitaal laga hirgaliyey Kismaayo

0
30

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Madaxweynaha maamul goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa xarigga ka jaray Isbitaalka loogu tala galay Ciidamada Jubbaland oo ay maamulka u ka hirgaliyey agagarka dugsiga tababarka Ciidanka Daraawiishta Jubbaland.

Munaasabadda xarig jarka Isbitaalka waxaa Madaxweynaha ku wehelinayay masuuliyiin ka tirsan maamulka Jubbaland iyo qaar kamida howlwadeenada Isbitaalka ka howlgalaya.

Isbitaalka ciidamada loogu tala galay ayaa ahaa mid si wayn baahi loogu qabay,Islamarkaana hadda dabooli doono baahiyaha dhanka caafimaad ee qeybaha kala duwan ee ciidamada.

Isbitaalka ayaa ah mid si casri ah loo dhisay loona dhameystiray agabkii Isbitaalku u baahna iyo guud ahaan qeybihii kale ee muhiimka ahaa howlaha caafimaadka ee xaruunta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here