Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay shir madaxeedka Ururka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika

0
35

Kismaayo(Idaacadda Waamo)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo habka fogaan aragga ah kaga qayb galay kulanka 23-aad ee aan caadiga ahayn ee Urur Gobaleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika ayaa ku bogaadiyey Madaxda dalalka ku bahoobay Ururkaan garab istaagga iyo u qareemidda codsiga Soomaaliya ee ka mid noqoshada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa hadal jeedintiisa ugu horreysay ee Shir madaxeedkaan kaga hadlay muhiimadda ay leedahay iskaashiga ka dhexeeya waddamada xubnaha ka ah EAC, gaar ahaan dhinacyada nabadda, amniga, ganacsiga, iyo horumarinta dhaqaalaha, isagoo tilmaamay in Soomaaliya dhawaan ay soo direyso wakiilladeeda labada gole ee Baarlamaanka iyo Maxkamadda Caddaaladda Urur Gobaleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here