Guddoonka Aqalka sare oo ugu hambalyeeyay dowladda Talyaaniga

0
25

Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa ka qayb galay munaasabad lagu xusayay maalinta Qarannimada Dowladda Talyaaniga.

Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa ugu hambalyeeyay madaxda iyo shacabka Talyaaniga maalintooda taariikhiga ah, isagoo uga mahad celiyey kaalinta ay Dowladda Talyaanigu ka qaadato dowlad dhiska Soomaaliya, islamarkaana ku booriyay in ay sii xoojiyaan iskaashiga iyo xiriirka wanaagsan ee labada dal.

Munaasabadda waxaa sidoo kale ka soo qayb galay Wasiiro, Xildhibaanno, taliyaal ciidan, danjirayaal iyo marti sharaf kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here