Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada XFSย ๐ซ๐ถ๐น๐ฑ๐ต๐ถ๐ฏ๐ฎ๐ฎ๐ป ๐ ๐ฎ๐ ๐ฎ๐บ๐ฒ๐ฑ ๐๐ฎ๐ฑ๐ฎ๐ป ๐ ๐ฎ๐ฐ๐ฎl๐น๐ถ๐ป ๐๐ฎ๐น๐ถ (๐ฆ๐ผ๐ผ๐บ๐ฎ๐ฎ๐น๐ถ) ayaa ka qeybgalay Shirka Wasiirrada Isgaarsiinta ee ka qeybgalaya Madasha ๐ช๐ฆ๐๐ฆ๐ฎ๐ฌ oo sanadkaan lagu qabtay Magaalada Geneva ee wadanka Switzerland.
Shirkan ayaa diiradda lagu saaray Guusha dabaal degga sanad guurada 20-aad ee ka soo wareegtay xilliga la aasaasay, heerarka ay soo martay iyo halka loo jiheeysanayo, waxaana la Isla qaatay in la xoojiyo mabaadiiโda ๐ช๐ฆ๐๐ฆ๐ฎ๐ฌ ee nidaamka maamulka Dhijitaalka ah ee Caalamiga ah iyo sida la isaga kaashan karo.
Wasiirka Isgaarsiinta ๐ซ๐ถ๐น๐ฑ๐ต๐ถ๐ฏ๐ฎ๐ฎ๐ป ๐ ๐ฎ๐ ๐ฎ๐บ๐ฒ๐ฑ ๐ฆ๐ผ๐ผ๐บ๐ฎ๐ฎ๐น๐ถ ayaa Shirka Wasiirada ka jeediyey khudbad dhinacyo badan taabaneysoโฆโฆ..โ Soomaaliya waxa ay meel fiican ka gaartay Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada marka la fiiriyo Tobankii sano ee la soo dhaafay, Adeegga Internetka oo la baahiyey iyo xarkaha keeno oo la dhigay meelo badan oo Dalka ah si loo fududeeyo isku xirka kaabayaasha dhijitaalka Dalka, waxaana gaarsiindoonaa wadamada deriska ah kuwa aan la heyn badda oo ka faaโiideesanaya isku xirka Bariga Afrikaโโฆโฆ.
Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in Dowladda Soomaaliya diyaar u tahayย kobcinta iskaashiga caalamiga ah iyo arrimaha muhiimka ah ee dhijitaalka ah, iyadoo la hubinayo in horumarka Teknoolojiyada mustaqbalka ay faaโiido u leeyihiin qof walba, gaar ahaan dadka aadka u nugul.
Sanad walbo Madasha ๐ช๐ฆ๐๐ฆ waxaaย qabanqaabiya Ururka Isgaarsiinta Caalamiga ahย (ITU) waxaana sanadkaan dib loo milicsaday 20 sano kadib iyo guulaha la gaaray.