Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Maamulka xaafada farjano ee magaalada kismaayo iyo qar kamida dadka xaafada ayaa si isxilqaan ah Ol’ole nadafadeed oga bilaabay xeebta kiboora gaar ahaan qoryooleey maadaama qashinka iyo wasaqda aysan u wanaagsaneyn caafimaadka iyo bilicdaba.
Iyada oo wali ay socoto Ol’olaha Nafadeed ayaa qaar kamid ah shacabka ka qayb galayay olalaha waxaa ay codsadeen in dowladu ay ku garab siiso howsha ay wadaan sidoo kalana dhammaan dadkale ee xaafadaha kale iyaguna ay ka qayb qaataan qurxin magaalada.
Mowliid Abdi Kulmiye ayaa warbixintaan inooga diyaariyay.