Wasaaradda Biyaha XFS oo ka qayb gashay madashii 10 ee biyaha

0
41

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Wasiiru Dolwaha Wasaaradda Tamarta iyo Kheeyraadka Biyaha XFS Maxamed Cabdullaahi ayaa kulan doceedyo la qaatay qaar ka mid ah madaxdii ka qeyb gashay madashii 10 ee biyaha oo lagu qabtay dalka Indonesia.

Mas’uuliyiinta uu la kulmay wasiiru dowlaha waxaa ka mid ahaa Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Howlaha Guud iyo Agaasinka Guud ee Biyaha Waddanka Indonsia oo uu uga mahadceliyey martigelinta madasha 10aad ee Biyaha, iyo sida maamuuska leh ee loo soo dhoweeyey wafdigiisa.

Labada Wasaaradood ayaa ka wada hadlay sidii iskaashi xooggan looga yeelan lahaa arrimaha Maareeynta fatahaadda, iyo hannaanka ka faaideysiga Biyaha Roobka, sidoo kale waxaa aad looga dooday sidii Soomaaliya looga saacidi lahaa deeqaha waxbarasho ee dhinaca takhasusaadka kuliyadaha biyaha quseeya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here