Madaxweynaha Koofur Galbeed oo bogaadiyey hawlaha Hay’adda SoDMA

0
31

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Guddoomiyaha hay’adda maareynta musiiboyinka mudane Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa xarunta dhexe ee hay’addda SoDMA, ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Dowlad Gobolleedka Koonfur Galbeed mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed oo maalmihii la soo dhaafay Muqdisho u joogay howlo Qaran iyo kuwo heer maamul.

Hoggaanka hay’adda oo ay wehliyaan agaasimayaal iyo la-taliyayaal sare ayaa Madaxweynaha la wadaagay howlaha SoDMA, halka looga warbixiyay duufaanta laga cabsi qabo ee Laly, lana saadaalinayo in ay waxyeello ka geysan karto Jubbaland, Koonfur Galbeed iyo Gobolka Banaadir.

Madaxwaynaha Koonfur Galbeed ayaa si weyn u bogaadiyay howsha adag ee hay’addu u heyso shacabka Soomaaliyeed, isagoo si gaar ah uga mahadceliyay dadaallada bani’aadannimo ee SoDMA ka waddo degaannada maamulka KGS.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here