Duqa Muqdisho oo qaabbilay danjiraha Emaaraatka ee Soomaaliya

0
46

Duqa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ku qaabbilay Danjiraha Dowladda Isutaga Imaaraatka Carabta u fadhiya Soomaaliya Dr. Axmed Jumca Al-Rumeysi.

Labada Mas’uul ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo wada-shaqeynta labada dhinac, sii wadida arrimaha gar’aarka oo ay Dowladda Imaaraatka gacan weyn ka geysato iyo sidii Mashaariic horumarineed loogu fulin lahaa Magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa Dowladda Imaaraatka Carabta uga mahad celiyay kaalintooda ku aadan garab istaaga Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here