Madaxweyne ku xigeenka labaad ee Jubbaland oo xariga ka jaray Buundada Wirkooy

0
28

Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Madaxweyne kuxigeenka labaad ee Dowladda Jubbaland mudane Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud oo uu weheliyo Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Jubbaland mudane Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan ayaa maanta xarigga ka jaray Buundada Wirkooy oo dhawaan dib u habayn ay ku sameesay Dowlad Goboleedka Jubbaland.

Munaasabadda xarig Jarka waxaa qeyb ka ahaa qaar kamid ah golaha Wasiirada Dowlad Goboleedka Jubbaland, Gudoomiyaha degmada Kismaayo ahna duqa magaalada, Saraakiisha Ciidamada Jubbaland iyo kuwa xoogga dalka iyo xubno kale oo katirsan Dowlad Goboleedka Jubbaland.

Awke Ali Awil ayaa warbixintaan inooga diyaariyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here