Boqortooyada Sucuudiga oo Xujeyda uga digtay dariiqyada aan sharciga ahayn ee Fiisaha lagu dalbado

0
90

Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Wasaaradda Xajka iyo Cumrada boqortooyada Sacuudiga ayaa uga digtay dadka doonaya inay xajka soo gutaan sanadkan inay la macaamilaan xafiisyada, shirkadaha ama dadka marin habaabinaya xujeyda, kuwaas oo aan sharciyad u haysan soo saarista Fiisaha xajka.

Muuqaal wacyigelin ah oo ay faafisay wasaaraddu ayey ugu baaqday dadka doonaya in ay gutaan waajibaadka xajka in ay iska ilaaliyaan fariimaha aan la aqoon iyo xayaysiisyada been abuurka ah ee ay iskugu diiwaangelinayaan xajka, iyadoo ku baaqday in ay la macaamilaan dariiqa elektarooniga ah ee xujeyda gudaha, ama xajka rasmiga ah.

Wasaaradda Xajka iyo Cumrada boqortooyada Sacuudiga ayaa carrabka ku adkeysay in imaatinka goobaha barakeysan ay ku xirantahay “Fiisaha Xajka”  la’aantiisna ay xad gudub ku tahay nidaamka iyo awaamiirta xajka.

Wasaaraddu waxay dib u cusboonaysiisay digniintii ka dhanka ahayd shirkadaha iyo xafiisyada sheegay inay sameeyaan Fiisahabxajka, iyaga oo aan haysan sharciyad, waxaana wasaaraddu caddeysay   cid aan ka ahayn xujaajta caadiga ah ee haysta kaarka casriga ah ee xajka aan loo ogolaan doonin inay galaan goobaha barakeysan.

Wasaaradda ayaa sidoo kale ku cel celisay in qaadashada fiisaha Xajka ay tahay mid waajib ah, la’aanteedna aan la ogolayn in qof ka yimid dibadda Boqortooyada uu soo guto waajibaadka Xajka.

Sidoo kale, dadka haysta fiisooyinka  “Cumrada,  booqashada, dalxiiska iyo shaqada ayey wasaaraddu sheegtay in aan loo ogoleyn gudashada xajka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here