Wasaaradda Qorsheynta Jubbaland oo kulan la qaatay xubno sar-sare oo kasocday Hay’adda UNHCR

0
50

Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Maalgashiga iyo Iskaashiga Caalamiga Jubbaland C/rahmaan Cabdi AHmed oo uu wehliyoi Agaasimaha guud ee Wasaaradda Qorsheynta Maalgashiga iyo Iskaashiga Caalamiga Jubbaland Ayaanle Xuseen Mahamed ayaa magaalada Kismayo kusoo dhaweeyey xubno sar sare olo kamid ah Hay`adda Arimaha axootiga uqaabilsan Qaramada Midowe ee  UNHCR.

Madaxda Wasaaradda Qorsheynta Jubbaland iyo madax  kale oo ka socday Hay`addaha kala duwan ee Jubbaland ayaa kulan la qaatay madaxdii ka socotay Hay’adda UNHCR waxayna kala hadleen arimo ku saabsan barnaamijka Xalka-waara oo si weyn uga socdo deegaanada Jubbaland.

Awke Ali Awil ayaa warbixintaan inooga diyaariyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here