Goobo loogu tala galay in Baabuurtu ku kala wareegto oo Kismaayo laga hirgalinayo

0
37

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Ayaadoo Magaalada Kismaayo ay ka socdaan howlo dib loogu soo celinayo bilicda Magaalada sida dib u dhiska wadooyinka iyo dhiraynta hareeraha wadooyinka la hirgaliyay ayaa Gudoomiyaha Degmada Kismaayo ahna duqa Magaalada Cumar Cabdullaahi Maxamed waxaa uu dhagax dhigay labo goobood oo loogu talogalay in ay baabuurta ku kala wareegaan meelaha Isgoysyada ah ee loo yaqaano (Roundabout), kuwaas oo dhawaan laga hirgelin doono Magaalada Kismaayo si ay uga qayb qaataan bilicda magaalada.

Xamdi Maxamed Yaasiin ayaa warbixintaan inooga diyaarisay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here