Hay’adda SODMA oo soo saartay digniino la xiriira fatahaado ka dhasha Roob la filayo

0
30

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee SODMA oo soo saartay digniin ayaa sheegtay in tobanka casho ee soo socota ee 07da – 16ka bisha May 2024ka in ay suuragal tahay in ay ka dhacaan fatahaado isugu jira kuwo ka yimaadda wabiyada iyo togaga soo rogmada, kuwaas oo aadka u saameeyndoona qaar ka mid ah degmooyinka dalka Sida; Dolow, Luuq, Buaale, Jilib, Baletweyn, Bulaburde, Jalalaqsi, Mahaday, Jowhar, Balcad iyo qaarkale oo wabigu uusan marin.

Degmooyin ka mid ah gobolada: Bay, Bakool, Gedo, Galguduud, Mudug, Togdheer, Sool, Nugaal iyo Bari ayaa waxaa aad u sareeysa suurtagalnimada ah in ay fatahaado ka dhacaa ay saameeyndoonaan nolosha iyo hab-nololeedka bulshooyinka ku nool degmooyinkaas.

Degmooyinka iyo gobollada kor ku xusan waxay wajihi doonaan khataro ka imankarta Fatahaada webiyada iyo daadadka ay togagu soo rogaan.

Waxaa sare u soo kacaya heerka biyaha wabiyada Shabeele iyo Juba taasina waxaa sabab u ah roobabka xoogan ee ka da’aya qeybo ka mid ah dalka iyo buuralayda Ethiopia.

Xarunta ka digsta halis wadareedka ee SoDMA , ayaa mar kale Bulshada Soomaaliyeed u direeysay digniino iyo talooyin si loogu feejignaado saameynta roobabka guga uu ku yeelan karo nafta iyo Hantida shacabka Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here