Kooxda Real Madrid oo ku Guulaystay Horyaalka La Liga ee Spain.

0
48

Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Kooxda Reer Spain ee Real Madrid ayaa ku guulaystay horyaalka La Liga ee xilli ciyaareedkan kadib markii ay ka badiyeen Kooxda Cadiz isla markaasna Kooxda Barcelona ay Guuldaro kala kulantay Kooxda Giron oo kaalinta labaad kala baxday Barcelona.

Real Madrid ayaa 3/0 kaga badisay kooxda Cadiz kulan ka tirsanaa todobaadkii 34-aad ee horyaalka La Liga ee Spain kana dhacay garoonka kooxda Real Madrid, Dhanka kale kooxda Barcelona ayaa dhinaca kale guuldaro 2/4 ah kala kulantay kooxda Girona kulan horyaalka La Liga.

Kadib natiijooyinkaasi kala duwan kooxda Real Madrid ayaa markeedii 36-aad ee taariikhdooda ku guulaystay horyaalka La Liga ee wadanka Spain waxayna ku qaadeen 87- Dhibcood oo uu wali horyaalka ka dhiman yahay 4- kulan oo kala duwan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here