Barakac weli ka socda Xaafadaha Magaalada Beledweyne

0
42

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Waxaa weli barakac xoogan uu ka socdaa Xaafado katirsan Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan kadib daadadka ka dhashay Roobka iyo fatahaad uu sameeyay Wabiga Shabeelle ee mara Magaaladaasi Beledweyne.

Dadka ayaa ka cabsi qaba inay waxyeelo kasoo gaarto daadadka roobka iyo fatahaada Wabiga, waxaana badi ay u barakacayaan duleedka Magaalada Beledweyne.

Qaar kamid ah dadka ka barakacaya Magaalada Beledweyne oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in weli barakaca uu jiro, isla markaana dadka badankood uu saamen xoogan ku yeesheen daadadka Roobka iyo fatahada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here