Luka Modric oo Taariikh ka Dhigay tartanka Champions League.

0
55

Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Luka Modric ayaa jabiyay rekoodh dheer oo uu u yaalay Real Madrid kadib markii uu garoonka soo galay kulankii champions League ee ay Real Madrid la ciyaartay kooxda Bayern Munich.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Croatia ee Modric ayaa badal kusoo galay ciyaarta daqiiqadii 75-aad iyada oo lagu badalay Jude Bellingham waxaana uu kasoo muuqday tartanka markiisii 40-aad.

Luka Modric ayaa taariikh ka sameeyay kadib markii uu badal kusoo galay ciyaarta waxana uu noqday xiddigii ugu da’da weynaa ee tartanka Champions League u ciyaara Real Madrid isaga oo jira 38 sano iyo 234 maalin.

Luka Modric ayaa dhaafay rikoorkii uu Real Madrid u dhigay Ference Puskas kaas oo rikoorkaasi dhigay sanadkii 1965 isaga oo ciyaaray isaga oo jiray 38 sano iyo 229 maalin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here