Kooxda Borussia Dortmund oo xalay garaacday Kooxda PSG (Champions League)

0
41

Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Kooxda kubadda cagta Borussia Dortmund ayaa guul 1-0 ah ka gaartay kooxda Paris Saint-Germain lugta hore ee semi-finalka Champions League, iyadoo midkooda soo baxaya lagu go’aamin doono natiijada lugta labaad ee kasoo bixi doonta magaalada Paris.

Borussia Dortund oo soo bandhigtay ciyaar qurux badan oo dhinac walba ka dheelli-tiran ayaa goolka guusha ku hoggaamiyey waxa u saxeexay laacibka weererka reer Germany ee Nicolas Fullkrug.

Daqiiqaddii 36-aad ayaa kubbad uu Nico Schlotterbeck kasoo tuuray dhinaca bidix ee difaaca, waxa uu difaaca u weydaariyey Niclas Füllkrug oo la galay xerada ganaaxa, isla markaana darbad xoogan oo lugta bidix ah ku liishaamay goolka oo shabaqa ku hubsaday.

Daqiiqaddii 51-aad ayay PSG laba jeer garaacday goolka Dortmund oo ay Acharaf Hakimi iyo Kylian Mbappe, hase yeeshee waxa laf dhuun-gashay ku noqday goolhaye Gregor Kobel oo kubbado badan ka joojiyey.

Dhamaadka ciyaarta oo ay toban daqiiqadood ka harsan tahay ayay Borussia Dortmund heshay fursaddeedii ugu fiicnayd, waxaana kubbad xerada ganaaxa ka helay Ousmane Dembele oo aanay cidina ku dhaweyn, balse darbad xooggan oo uu goolka ku toogtay ayaa ka dallacantay oo taageereyaasha uu kubadda ugu geeyey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here