Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Xafiiskiisa ku qaabilay Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha Seerbiya

0
51

Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta gelinkii dambe  xafiiskiisa Villa Hargeysa ku qaabilay Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Seerbiya u qaabilsan Arrimaha Geeska Afrika Mudane Vladimir Orlié oo booqasho rasmi ah  ku yimid Muqdisho

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe iyo Ergeyga ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashi ee ka dhaxeeya Dowladda Soomaaliya iyo Seerbiya, wadashqeynta labada Baarlamaan iyo sidii loo dhisi lahaa guddiyada saaxibtinimo ee Baarlamaanada Soomaaliya iyo Serbiya, waxaana uu Ergeyga tilmaamay in Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed ay garab taagan yhiin, islamarkaana kaalin ka geeysan doonan horumar kasta.

 

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here