Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo kulan la qaatay Ergeyga gaarka ah ee Finland u qaabbilsan nabadeynta geeska Afrika

0
36

Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Wasiirka Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Xukuumadda Soomaaliya mudane Cali Yuusuf (Cali- Xoosh ) ayaa gelinkii dambe ee maanta kulan isbarasho ah la qaatay Ergeyga gaarka ah ee Dowladda Finland u qaabbilsan dhexdhexaadinta nabadeynta Geeska Afrika, Suldaan Saciid Axmed.

Kulanka ayaa looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin dib-u-heshiisiinta iyo dhexdhexaadinta, iyada oo si gaar ah diiradda loo saaray doorka dhallinyarada ay ku leeyihiin nabadaynta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here