Haween is kaashato ah  oo ku guulaystay Mashruuc Maalgalin ah kuna shaqa bilaabay

0
399

Kismaayo(Idaacada Waamo)Haween  oo ah iskaashato Danyar ah ayaa layimid Figrad Ganacsi  waxaa ayna nasiib uyesheen in   fikirkooda lagu maalgaliyo iyagoo kugulaysat  lacag dhan 14 kun oo  doolar Taas oo ay ku samaysteen ganacsiyo kala duwan .
Dumarkaan oo ka koobna 70 haween ah Ayaa ka faaidaystay Barnaamij Maalgalin ah oo Ay qabteen Wasaaradda Ganacsiga Dowlad Goboledka Jubbaland ,Rugta Ganacsiga iyo Warshaddaha Jubbaland iyo Haya,ada ARC oo kashaqaysa arimaha qaxootiga.
Hadaba waa kuwaan qaar kamid ah Haweenkii ka Faaidaystay Barnaamijka Maalgalinta ah oo Kawaramaya Sida ay ugu suurta gashay in Figradoodii ay ku gulaystaan iyo qaabka ay umareeyay lacagta maalgalinta ah Ee ay Heleen.
Hal abuurka Ganacsi ayaa ah mid ay bulshadu ku kala duwantahay  waxaana jira dad badan oo guul kagaaray figrado ganacsi oo ay layimadeen  waxaa ayna haweenka tusaale wanaagsan uyihiin awooda is kaashatoyinka doonaha in hormariyan figradahooda ganacs.

R/W,Xamdi Maxamed Yaasiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here