Thierry Henry oo Saadaaliyay Kooxda ku Guulaysan Doonta Champions League 2023/24

0
62

Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Halyeeyga Arsenal ee Thierry Henry ayaa saadaaliyay kooxda ku guulaysan doonta Champions League xilli ciyaareedkan 2023/24, Waxa la ciyaaray kulamadii lugta 1-aad ee wareega 8 dhamaadka tartanka Champions League iyada oo la ciyaaray kulamo xiiso leh.

Kulamadii lugta hore ayay bar-baro galeen kooxaha Man City iyo Real Madrid halka ay Arsenal iyo Bayern Munich bar-baro ku heshiiyeen, dhinaca kale Barcelona iyo Atletico Madrid ayaa badiyay kulamadii ay ciyaareen iyaga oo hal lug la galay wareega xiga ee tartanka Champions League.

Kadib dhamaadka kulamadii wareega 8 dhamaadka lugta hore Thierry Henry ayaa saadaaliyay kooxda ku guulaysan doonta tartanka.

“Kaliya waxaan daneeyaa kooxda Arsenal sababtoo ah way ku jiraan tartanka”ayuu yidhi Henry. “Sidaas darteed waxa aan Arsenal u saadaalinayaa ku Guulaysiga Champions League xilli ciyaaredkan”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here