Dominik Szoboszlai Oo Sheegay Waxa Ay Liverpool U Baahantahay Si Ay Ugu Guulaysato Premier League.

0
69

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Liverpool ee Dominik Szoboszlai ayaa sheegay waxa ay kooxdiisu u baahantahay si ay ugu guulaysto horyaalka premier League.

Liverpool ayaa hogaaminaysa horyaalka premier League waxana ay ku hogaaminayaan 2 dhibcood oo cadaan ah xilli ay 9 kulan ka dhimantahay xilli ciyaareedka.

Dominik Szoboszlai ayaa la wareegay hogaanka premier League bilowgii todobaadkan kadib markii ay ka badiyeen Brighton isla markaas kooxaha Arsenal iyo Man City bar-baro galeen.

Xiddiga Dominik Szoboszlai ayaa sheegay in ay kooxdiisu haysato fursad fiican oo ay ugu guulaysan karto horyaalka premier League laakiin waa hadii ay si fiican u ciyaaraan 9 kulan ee ka dhiman horyaalka.

“Waxa hadhay 9 kulan, waxa aan ku jirnaa kaalinta 1-aad, taas oo la macno ah in ay gacanteena ku jirto fursadeena”ayuu Dominik Szoboszlai yidhi.

“Hadii aanan wax khalad ah samayn isla markaas aanu badino kulamadeena waxa aan ku guulaysan doonaa horyaalka”ayuu sii raaciyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here