Howlgal ka Dhan ah Hubka sharci Darrada ah oo ka socda Dhuusamareeb

0
362

Dhuusamareeb(Idaacada Waamo)Ciidanka Ammaanka ayaa howlgal lagu xaqiijinayo amniga waxaa ay ka bilaabeen magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug,Ciidamada ayaa waxaa lagu arkayay qaybo ka mid ah xaafadaha Dhuusamareeb iyo sidoo kale meelaha muhiimka.

Taliska Booliska ee Dhuusamareeb ayaa horay amar uga soo baxay waxaa uu ahaa in gudaha magaalada aan hub sharci darro ah lagu dhexqaadan karin ciddii amarkaas jabisana sharciga lahorgeyn doono.

Taliyaha Ciidamada Booliska dhuusamareeb ahna taliyaha Ciidanka xasilinta Caasimadda Gaashaanle Cabdullaahi Xasan Macalin oo howlgalkaas faah faahinayay ayaa sheegay in lagu soo qabtay dad watay hub sharci-darro ah.

Waxaa uu sheegay in dadkaasi cadaaladda la marsiin doono kuwo kalena lagu raad joogo haba ugu badnaadaan kuwa isticmaala waxyaabaha maanka dooriya.

R/W,Kismaayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here